Heemaal News Network
somali

Dadka Ugandha Ugu Dhimanaya Cudurka Ebola Oo sii Kordhaya.

Waxaa geeriyooday dhaktar u dhashay dalka Tanzania oo wax ka baranayay dalka Ugandha ayaa dhintay kaddib markii uu haleelay xannuunka Ebola.

Wasiirka caafimaadka Uganda ayaa sheegay in Dhaqtarkaas uu noqonayo shaqaalaha labaad ee caafimaad ee u dhinta cudurkaas oo dhawaan ka dilaacay Uganda.

Wasaaradda caafimaadka ayaa shaacisay in cudurka Ebola uu ku fiday gobolkii afaraad ee ka tirsan Ugandha.

Tirada rasmiga ayaa muujineysa in kiisaska la xaqiijiyay ay yihiin 35 qof, halka 8 qofna ay dhinteen.

Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaanan lahayn talaal looga hortago taasoo adkeyneysa in lala dagaalamo, waxaana laga cabsi qabaa in cudurkan uu ku faafo dalalka kale ee bariga iyo bartamaha Afrika oo ay ku jirto Somalia.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku nool yihiin dalkaas, ciidomo kumanaan gaaraya oo Ygandhes ahna waxay joogaan Somalia, kuwaasoo maalin walba u kala goosha labada dal

Related posts

Somaliland Oo Ruqsadii kala Noqday Shirkada Ina Geelle Arab Ee Integrated Shipping Services.

Heemaall

Alshabaab Oo Sheegatay Masuuliyadda Qarax Ka Dhacay Gobolka NFD

Heemaal

Suldaan Baade Oo ka Hadlay Baahida loo Qabay Furitaanka Saw Tv Borama.

Heemaall