Heemaal News Network
somali

Faah-faahinta Dagaal Beeleed Dib Uga Qarxay Gobolka Sool.

Dagaal beeleed hubaysan, ayaa mar kale saaka dib uga qarxay ceelka Dhabar-dalool, oo koonfur kaga beegan degmada Duddun ee Gobolka Sool.

Daryanka rasaasta culus oo laba dhinac ah, ayaa laga maqlayaa goobta dagaalka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Goob-joogayaal ku sugan tuulada holhol oo ku dhow nawaaxiga dagaalku ka socdo, ayaa laga soo xigtay in dagaalku hadda jihooyin horleh ku fiday, balse faahfaahin kale ma jirto.

Anteenada isgaarsiinta ayaan sidoo kale laga heli karin dhulka lagu dagaallamayo oo ka tirsan didibta nugaaleed oo aad joogeedu u hooseeyo.

Colaaddan waxa saacadihii u dambeeyay baaqyo nabadeed ka soo saaray dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto xukuumadda Puntland.

Related posts

M/Qoor-qoor Oo Saxiixay Miisaaniyad Goboleedka Galmudug.

Heemaall

Maraykanka Oo Shaaciyay Dalalka la Geynayo Dadka Reer Afqaanistaan Ee Laga Qaadayo Kabul

Heemaall

Amiirka Qatar Oo ka Hadlay Kaalintii Uu ka Qaatay soo Celinta Xiriirka Somaliya Iyo Kenya

Heemaall