Heemaal News Network
somali

Dagaal Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Bakool

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana kasoo baxaya faah faahino kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhiga Ciidamada Koonfur Galbeed ee degmada Waajid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad ku sugan degmada Waajid ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo dad rayid ah kasoo gaaray dagaalka.

Saraakiil katirsan Ciidamada Kooonfur Galbeed ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dagaalka ka dhacay degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa kusoo aadaya xilli dagaal culus oo shalay gelinkii hore ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo hoostaga Magaalada Baydhabo ay kula wareegeen Al-Shabaab wallow markii dambe ay Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur Galbeed dib ugu laabteen.

Related posts

Urrurada Bulshada Rayidka Oo Sheegay in Doorashooyinka Musuq ku Billowdeen.

Heemaall

Kuraasta Labo Mudane Oo Ka Socda Gobolada Waqooyi Oo La Doortay

Heemaall

Gornaylkii Xabsiga Laga sii Daayay Doolaal Oo Afka Furtay Eedaymo Culus-na U Jeediyay.

Heemaall