Heemaal News Network
Soomaaliya

Dagaal Mar kale Galabta Ka Bilaabmay Deegaanka Ceel-Afweyn.

Wararka naga soo gaadhayaa Degaanka Masle ee ka tirsan degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal uu dhexeeya labadii beelood ee walalah ahaa ee mudada dheer ku dagaalamayey degaanada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag waxaana dagaalkaasi uu bilaamay abaaro salaadii casaar iyadoon laga soo sheegayo dhimasho iyo dhawaac labadaba.

Degaanka Masle oo ka tirsan degmada ceel afwayn ayaa hadda waxa ku sii qul qulaaya ciidanka milatariga somaliland ee ku sugna degmada Ceel-afwayn ma jirta cid xaqiijsay tirada ku dhimatay dagaalkasi iyo dhawaaca labadasi beelood balse waxa ay sheegayaan wararka aanu helaynaa in uu jiro dhimasho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More