Heemaal News Network
somali

Dagaal Saaka Mar Kale Ka Qarxay Gobolka Hiiraan

Warar ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay dagaal khasaare gaystay uu markale ka qarxay galbeedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Baladul-Nuur , waxaa uuna u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega deegaankaasi.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dagaalka saaka markale ka bilowday deegaanka Baladul-Nuur, islamarkaana dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan

Dagaal ayaa salka ku haya dhul beereed ku yaala deegaanka Baladul-Nuur ee galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Related posts

Biden Oo Laalay Sharci Uu Trump Maraykanka kaga Mamnuucay Tik-Tok.

Heemaall

Qatar Iyo Imaartka Oo Xidhiidhkoodu Kobcay

Heemaal

Maxkamada Ciidamada Oo la Horkeenay Ganacsato loo Heysto soo Dejinta Agabyada Qaraxyada.

Heemaall