Heemaal News Network

Dagaalka Qaraar Oo ka Dhacay Garoon Diyaaradeed Oo ku Yaalla Tigray.

Garoonka diyaaradaha ee muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Aksum ee waqooyiga Itoobiya ayaa noqday goob dagaal oo ay isku hayaan xoogagga iska so horjeeda ee colaadda Itoobiya.

Ilo wareedyada taabacsan milatariga dowladda Itoobiya ayaa sheegay in milatariga ay gacanta ku hayaan maamulka garoonka, balse sida muuqato taasi kama horistaagin xoogaga gaarka ah ee Tigray inay weeraraan garoonka dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay oo ay burbur xoog leh gaarsiiyaan dhabbaha ay ku ordaan diyaaradaha.

Iyadoo isgaarsiintu ay wali go’an tahay ma ahan mid sahlan in la xaqiijiyo sheegashada laba dhinac.

Balse waxaan eegnay muuqaalka weerarka la sheegay in lagu qaaday garoonka, waxaanna barbardhignay sawirrada garoonka oo lagu qaaday dayax gacmeedka si aan qiyaas uga qaadanna sida ay wax dhaceen.

Khamiista ayay ahayd markii hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael, waxa uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in magaalada Aksum ay iyaga wali gacanta ku hayaan, balse ma cadda in garoonka uu ku jiray gacantooda iyo in kale.

“Akusm anagaa wali gacanta ku hayna, ciidammo ayaa la soo diray si ay noola dagaalamaan. Balse dagaal ayaa wali socdo”, ayu yiri Debretsion

Dowladda ayaa hore daaha uga rogtay inay la wareegtay magaalada Aksum, balse ay xoogaga TPLF ee Tigrey dhaawac ballaaran gaarsiisay kaabayaasha magaalada, iyadoo warbaahinta dowladda ay daabacday muuqaal iyo sawirro muujinayay burbur soo gaaray dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka Aksum iyo godad u muuqday dhufeysyo laga qoday gudaha garoonka.


Xigasho BBC

Related posts

Golaha Guurtida Oo Saluug ka Muujiyay Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland.

Heemaall

Mid kamid ah Xildhibaannadii Xasaanada Laga Xayuubiyay Oo si Kulul Uga Hadlay.

Heemaall

Midowga Yurub Oo Muddada Kordhin U Sameeyay Ciidamada ka jooga Xeebaha Somaliya

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More