Heemaal News Network
somali

Dagaalyahano ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Duleedka Wajeer.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa la dilay kuwa kalana dhaawac ayaa soo gaaray weerar ka dhacay Magaalada Wajeer ee dalka Kenya ee u dhow soodinta dhinaca waqooyi ee Somalia.

Taliyaha Booliska waqooyi bari Rono Bunei ayaa sheegay in kooxda Al shabab isku dayeen inay burburiyaan Taawerada xiriirka Telefoonada, hase ahaatee la fashiliyey isagoo xusay in weerarka ay soo qaadeen lagu dilay laba dagaalame oo Al-Shabaab ka tirsan.

Deegaanka uu weerarkan ka dhacay oo lagu magacaabo Tarbaj ayay rasaas isku dhaafsadeen ciidamada Kenya iyo Al-Shabab.

Al-Shabaab ayaa Qoryaha RBG ga iskugu dayay inay taawarada Safaricom ku burburiyaan inkastoo ay ku fashilmeen sida ay saraakiisha amaanka warbaahinta u sheegeen.

Laba qori oo AK47 oo ay ka carareen Al shabaab ayaa looso bandhigay warbaahinta Kenya iyadoo Ilo madax banaan ayaa warbaahinta u sheegay in 1 askari oo Kenyaan ah weerarka ku dhintay mid kalana uu dhaawac kasoo gaaray.

Related posts

Vjosa Osmani Oo loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Kosovo.(Sawirro)

Heemaall

Casho Sharafeed Lagu Sagootinayay Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Caawa Qabsoontay(Sawirro)

Heemaall

Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Shaaciyay Inaan Laxidhi Karin Musharixiinta.

Heemaall