Dagaalyahano Suuriyaan ah Oo la Sheegay Inay ku Biireen Dagaalka Azerbaijan & Armenia

Heyad kor kala socota colaadda ka oogan Suuriya iyo hogaamiye ka tirsan mucaaradka Suuriya, ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka Mucaaridka Dowlada Suuriya oo laga diray dalka Turkiga ay ku biireen dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyo Armenia, si ay gacan u siiyaan ciidamada Azerbaijan.

Heyadda xuquuqda aadanaha ee kormeerta dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa Talaadadii sheegtay in ciidan ka badan 300 la geeyay Azerbaijan oo xulafo dhaw muddo dheer ah la ahaa Turkiga.

Ziad Hajj Obeid, oo ka mid ah taliyaasha xoogga mucaaradka Suuriya ee uu Turkigu taageero, ayaa telefashinka Rudaw TV ee gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq u xaqiijiyay ciidamadaasi. Dowladaha Turkiga iyo Azerbaijan ayaa labaduba beeniyay ciidamadaasi.

Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia oo maanta galay maalinti afaraad, ayay wararku sheegayaan in ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah. Labada waddan ayaa isku heysta gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan hase yeeshee dadka dagani ay kasoo jeedaan Armenia.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy