Heemaal News Network
cayaaraha

Dal Afrikaan Ah Oo Shaqo U Soo Bandhigay Tababare Jose Mourinho

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa wada-hadallo la yeeshay gudoomiya xidhiidhaka kubbada cagta ee dalka Nigeria, oo doonayey inuu hoggaamiyo tartanka qaramada Afrika ee AFCON ee bilaabmaya bisha January ee foodda inagu soo haysa.

Guddoomiyihii xidhiidhka kubadda cagta Nigeria ee Amaju Pinnick ayaa shaaciyey inay wada-hadleen Jose Mourinho oo ay doonayeen inuu noqdo tababaraha xulka qarankooda ee hoggaaminaya koobka qaramada Afrika.
Nigeria ayaa noqotay tababare la’aan horraantii bishan markaas oo ay shaqada ka caydhiyeen Gernot Rohr, waxaanay markaas kaddib xidhiidh la sameeyeen Jose Mourinho si uu u noqdo tababarahooda cusub.

Super Eagles oo aan koobka qaramada Afrika ku guuleysanin tan iyo sannadkii 2013kii, ayaa waxa uu Pinnick tibaaxay inay isku-daygoodii koowaad la sameeyeen Jose Mourinho oo ay rumaysnaayeen inuu ka caawin doono inay hantiyaan koobka ay muddada ka maqnaayeen.
Pannick oo u warramayay wargeyska Daily Trust ayaa yidhi: “Dabcan, idiinma sheegi karayo in aanaan la hadal Jose Mourinho sababtoo ah waanu la hadalnay. Waxa kale oo la hadlay wasiirka ciyaaraha, mana jirto wax qalad ah.

“Haddii tababaruhu uu na siin karayo koobka qaramada Afrika, si degdeg ah ayaanu ugu dhaqaaqi doonaa.

“Haddii guddida fulintu ay ansixiyaan, diyaar ayaanu u nahay, waananu sugaynaa Jose Mourinho?”

Mourinho ayaa hadda ah tababaraha kooxda Talyaaniga ah ee AS Roma oo xagaagii loo magacaabay, lamana sheegin inuu doonayo inuu ka tago.

Related posts

Xiddiga Manchester United Oo Damaanad Lagu sii Daayay Markii Eedo Kufsi loo Xiray

Heemaal

Lionel Messi Oo Markii Toddobaad Ku Guulaystay Billada Ballon d’Or

Heemaal

Manchester United Oo Karbaashtay Tottenham Iskuna Fidisay Booska Labbaad

Heemaal