Dalalka Caalamu Islaam Oo Berri U Dabaaldagaya Ciida Al-Fitriga.

Guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka ayaa bilaabay dabaaldegga bilashada bisha Shawal kadib markii ay 29 maalmood ay soo soonaayeen.

Qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Qadar, Indonesia iyo Pakistan ayaa ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay tahay 1-da Bisha Shawaal sidoo kalena loo dabaal degayo Munaasabadda Ciidul Fidriga.

Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka laga ciidayo maalinta berri ah oo ah maalin Jimce ah.

© Heemaal News Netwok