Dowladaha Ingiriiska Sweden, Norway, Maraykanka, iyo Germany ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka ayaa sheegay in ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo ku caawin doonaan Guddida Doorashooyinka Somaliland.
Warsaxafadeed oo ay Wadajir usoo saareen islamarkaana ay maanta baahisay wasaaradda arrimaha Dibadda UK ayaa lagu boggaadiyay Hannaanka ay u socdaan Doorashooyinka Somaliland ee Wakiillada iyo Deegaanka iyo sidii ay ku dhammaatay Diiwaangalintii codbixiyaasha.
Waddamadan ayaa sidoo kale ugu baaqay saddexda xisbi ee Somaliland in la ilaaliyo heshiiskii ay hore Saddexda xisbi uga gaadheen Qoondada Haweenka iyo Beelaha la hayb-sooco.
Bayaankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay madaxweynaha Somaliland sheegay in ay Somaliland iska bixinayso guud ahaan kharashka Doorashada.