Heemaal News Network
somali

Dani Oo Ku Baaqay In Loo Midoobo Dagaalka Alshabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qoraal kooban oo uu Deni soo dhigay bartiisa Facbeook ayaa waxaa uu ku cambaareeyay qaraxaas, isaga oo ku baaqay in hal meel looga wada soo jeesto Al-Shabaab.

“Waxaan tacsida la wadaagaya qoysaskii iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka baxeen dhallinyaradii caawa argagixisadu ku xasuuqday iyagoo ku fiidsanaya magaalada Muqdisho.

Tani waa mid muujinaysa in argagixisadu ay beegsanayso haldoorka iyo mustaqbalkeenii berito, sidaasi darteed waan cambaareynaya falkaasi waxaana loo baahanyahay in meel looga soo wadajeesto dhagar qabayaasha xasuuqaya ummadeena meelwalba oo ay joogaan”

Related posts

Madaxwayne Ku Xigeeenkii Hore Ee Puntland Oo Geeriyooday

Heemaall

Barkhad Batuun Oo Lacag Uu ku Iibiyay Gaarigiisa ku Wareejiyay Hooyo Ku Dhex Foolatay Safkii Doorshada.

Heemaall

Saylici Oo Ololaha Doorashada U Yimid Awdal

Heemaall