Heemaal News Network
somali

Danmark: Wasiir Støjberg, Wasiirnimadii Iyo Baarlamaankiiba Waa Laga Eryey Xabsina Loogu Daray

Wasiirkii hor ee soogalootiga Danmark oo laga eryey baarlamaanka dalkaa, sobobta ay Støjberg u wayday kursigeedii golaha qaranka Denmark ayaa ah iyadoo todobaadkii hore lagu xukumay 60 maalmood oo xadhig ah kiis maxkamad sare ah.

Haweenaydan ayaa lagu helay dambi ah inuu bixisay amar sharci darro ah, oo magangalyo-doonka dalka ku yimid iyaga oo qoys ah, la kala fogeeyo, hadii mid ka mid ahi ka yar yahay toban iyo sideed sanno.
Støjberg waxa ay 20 sano ka tirsanayd golaha baarlamaanka dalka Danmark, waxa ayna dawlado badan u fadhiisatay golahaa xisbiga Venstre.

Horaantii sanadkan, waxay iska casishay xubinimadii xisbigaa, oo ay sidoo kale ahayd gudoomiye ku xigeenka ilaa sannadkii hore.

Go’aanka ah in haweeneydan laga saaro golaha baarlamaanka Denmark ayaa la gaaray ka dib afar saacadood oo dood ah.

Codbixinta ayaa ahayd mid aan la yaab lahayn, dhammaan xisbiyada, ayaa u codeeyey in la eryo marka laga reebo xisbiga dadka deenishka iyo Nye Borgerlige.
Isla markii codbixintu dhamaatay, Støjberg ayaa laga codsaday inay ka baxdo hoolka, waxaana lagu beddelay ku-xigeenkeedii.

Støjberg ayaa sidoo kale luminaysa mushaharkeeda siyaasiga baarlamaanka, waxayna sidoo kale go’aamin kartaa inay fursad u hesho inay xabsiga ku dhameysato gurigeeda.

Related posts

Lafta Gareen: Ma Yeelayno Isbaarada Uu Dhigtay Rooble

Heemaal

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Oo si Adag Ugu Digay Ciidanka Xooga Dalka.

Heemaall

Agaasimaha Hay,ada Socdaalka iyo Madaxa Hay,ada Batroolka Somaliya Oo la Magacaabay

Heemaall