Heemaal News Network

Danni Oo Ku Gacan Sayray Dalab Uga Yimid Abiy

Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdillaahi Deni ayaa lasoo warinayaa inuu dhawaan diiday qorshe uu soo bandhigay ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, xili uu dhawaan socdaal ku tagay caasimada dalka Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Puntland ka dalbaday inuu taageero, isla markaana qeyb weyn ka noqdo ololaha dib loogu dooranayo madaxweyne Farmaajo, oo si weyn isku hayaan siyaasiyiin ay hore xulafo dhow u ahaayeen.

Madaxweynaha Puntland oo toddobaadkii hore safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulankaasi la qaatay Abiy Ahmed, kaasi oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo heshiiskii u dambeeyay ee laga gaaray, iyo weliba taageerada uu ku gacan seyray.

Abiy Ahmed ayaa xiriir dhow oo saaxiibtinimo la leh Farmaajo, waana sababta u weyn ee la fahamsan-yahay inuu u rabo dib usoo laabashadiisa, xili uu wajahayo loolan adag oo uga imaanaya siyaasiyiin caanka ah iyo kuwo ay hore xulafo u ahaayeen oo is khilaafeen.

Related posts

Dadwaynaha Azerbaijan Oo U Dabaal Degay Qabsashada Magaalada Labaad Ee Gobolka Lagu Muran-san Yahay.

Heemaall

Farmaajo Oo Billado ku Maamuusay Masuuliyiintii ka Shaqeysay Dib U soo Celinta Maamulka Hawada

Heemaall

M/Biixi Oo Guddi U Magacaabay Aaska Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Somaliya.(Akhriso)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More