Heemaal News Network

Dawalada Soomaliya Oo Alshabaab Ku Eedaysay Gubista 7 Gaadhi Oo Shacab Leeyahay

Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xalay gubeen todobo gaari oo xamuul oo ay leeyihiin dad Shacab ah, kuwaasoo marayay gobolka Bakool.

Falkan ayaa ka dhacay sida uu sheegay taliyaha Emed Koore ee gobolka Bakool.

Gaadiidkaan ayaa ka baxay Magaalada Beledweyne, waxaana uu kusii jeeday magaalada Xudur.
“Xalay abaare 08:00 fiidnimo ayeey Argagixisadu ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada Emed kooray ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Xudur”ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ururka Al-Shabaab oo ku aadan warkaan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ee loogu eedeeyay in ay gubeen gaadiiid ay leeyihiin Shacab ah.

Related posts

Xildhibaan ka Tirsan Aqalka Wakiilada Maraykanka Oo ka Horyimid Go’aanka Trump Ee Somaliya.

Heemaall

Deg-deg:-Nin Hubeysan Oo Rasaas ku Furay Dad Dibad-bax ka Dhigayay Muqdisho.

Heemaall

QM Oo War Cusub kasoo Saartay Khilaafka Doorashada Somaliya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More