Heemaal News Network
somali

Dawlad Yurub Ah Oo Afduubtay Dayaarad Rakaab

Dayaarad milatari oo ay luuyahay dalka Belarusa ayaa si khasab ah ku fadhiisisay dayaarad rakaab oo ay leedahay shirkada Ryanair oo duulimaad ku maraysay hawada dalkaas, iyadda oo loo sheegay duuliayaha in ay dayaarada ku xidhan yahay bam si degdeg ahna ku fadhiisato caasimada Minsk.

Dayaaradan ayaa waxaa saarnaa wariye aad u dhaliila xukuumada, isaga oo ku socday dalka ay jaarka yihiin Lithuania, waxaana kadib markii ay dayaaradu fadhiisatay la dagay ciidanka dalkaas oo xidhay.
Wadamada Yurub iyo Maraykanka ayaa arintan aad u canbaareeyey, iyadda oo laga leexiyey duulimaadyadii dalkaa dul maarayey.

Dhanka kale shirkadaha dayaaradaha Air France, Finnair, KLM, Lufthansa, Scandiavia, iyo Singapore Airlines ayaa joojiyey duulimaadyadii ay ku dul mari jireen dalkaas iyo kuwii ay ku tagi jireenba, halka wadamada jaarka la ah Belarusa ee Poland iyo Ukrain ay gabi ahaanba joojeen socdaalka dalkaas, iyadda oo hadda midawga Yurubna qorshaynaayo in rusqada duulimaadyada lagala noqdo shirkadaha dayaaradaha dalkaas.

Wariyahan la qabtay oo lagu magacaabo Roman Protasevich ayaa ku jira liiska argagixisada dalka Belarusa wuxuuna mutaysan karaa xukun dil ah.

Related posts

Amoud Foundation Oo Deeq Raashina Gaadhsiisey 200 Qoys Danyarta Ku Nool Borama Iyo Faraweyne.

Heemaall

Ciidamada Puntland Oo Qabtay Gawaadhidii Doorashada Soomaliland

Heemaal

Mareykanka iyo Midowga Yurub Oo Taageeray Go’aanka Galmudug, Hir-shabelle iyo RW Rooble

Heemaall