Heemaal News Network
Soomaaliya

Dawlada Fadaraalka Oo Ka Jawbaatay Handadaadii Shariif Sheekh Axmed

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa jawaab waxaa uu ka bixiyey hadalkii shalay Gelinkii dambe kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Shariif Sheekh Axmed, xilli Shariifka iyo Xasan Sheekh mudo lagu xayiray Garoonka muqdisho, iyaga oo safar u ahaa Baladweyne.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul waxa uu u weeraray madaxda Dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay inay la mid yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay ula dagaalami doonaan sidii ay ula dagaalameen ciidamadii Itoobiya iyo Al-Shabaab.

Wasiir Meereeye ayaa sheegay in hadalka Sheekh Shariif uu ahaa mid filan waa noqday,isla markaana uusan aheyn hadal uu ku hadlo qof maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan astaan qaran u soo noqday .

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in uu dhowro magaciisa iyo sharafkiisa,isla markaana uu ka fikiro wax kasta oo dhaawacaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay,waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo cid kasta oo dooneysa horusocodka dalka ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta midnimada iyo amniga Guud ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More