Heemaal News Network
somali

Dawlada Fadaraalka Oo Xaqiijisay Cida Gudoominaysa Shirka Muqdisho

Af-hayeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa qoraal uu soo saaray faahfaahin kaga bixiyay, shirka arrimaha doorashooyinka ee loo ballansanyahay in uu ka furmo Muqdisho.

Af-hayeen Macallimow ayaa sheegay, in dhammaan madaxda ka qayb-gelaysa shirkan ay xaadir ku yihiin Muqdisho, marka laga reebo madaxweynaha Hirhshabeelle oo isla maanta imaanaya.

Wuxu sheegay in shirkan uu saaka si rasmiya u furmi doono, islamarkaana uu shir-guddoomin doono ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in shirka uu ka dhacayo xarunta Afisyooni, oo ay ka qabsoomeen shirarkii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka dalka.

Related posts

Talaalka Covid 19 Ee Uu soo Saaray Shiinaha Oo Muqdisho soo Gaaray.(Sawiro)

Heemaall

Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inuu Dhirbaaxi Gaaray Mayarka Hargaysa

Heemaall

M/Deni Oo kala Diray Golaha Deegaanka Qardho Magacaabay-na Maamul Cusub(Akhriso)

Heemaall