Dawlada Faransiiska Oo Xabsiga Dhigtay Nin Lagu Eedeeyay Inuu Hogaamiye Malayshiyo ka Ahaa Dagaaladii Liberia.

Dawlada Faransiiska ayaa xabsiga dhigay nin looga shakisan yahay in uu hogaamiye malayshiyo ahaa wakhtigii uu socday dagaalkii sokeeye ee dalka Liberia 1990-yadii.

Ninkan oo dhalasha Netherlanads ku qaatay magaca Kunti K ayaa lagu soo oogay dambiyo aadanaha ka dhan ah, waxaa la sheegay in uu u dagaalamay kooxda Ulimo islamarkaasina looga shakisan yahay in uu gaystay dil, adoonsi iyo in uu carruur askareeyay.

Dagaalkii sokeeye ee dalka Liberia ka dhacay 99-nadii, ayaa waxa lagu dilay dad lagu qiyaasay 250,000 iyadoo dad ka badan kumannaan ruux oo kalana ay ku barakaceen colaadaha dalkaasi.