Heemaal News Network
Caalamka

Dawlada Hindiya Oo Muslimiinta ku Eedeeysay Faafitaanka Caabuqa COVID-19.

Masuuliyiinta Caasimada Hindiya ee New Dalhi ayaa quful ku dhajiyay dhisme uu lahaa Ururka Tablight Jamaat, oo ah urur ay leeyihiin Tabliiqiyiin Muslimiin ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay iska indho-tireen bandoodii dalkaas lagu soo rogay, kadib markii ay shaaciyeen in kulan diimeed ay qorsheeyeen inuu qabsoomo inta u dhaxaysay 13kii ilaa 15kii March uu sidii qorshahu ahaa uu u qabsoomay.

Maamulka Dalhi ayaa sidoo kale booliska ka codsaday inay dacwad ka dhanka ah ururkan u gudbiyaan maxkamada, iyaga oo ku soo oogaya kiiska ah ku-xad-gudub amar dawladeed iyo inay ku guul darayteen inay bulshada kala fogeeyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More