Heemaal News Network

Dawlada Itoobiya Oo Beenisay in Dagaalka Tigray Lagu Dilay Tobonaan Kun Oo Rayid ah.

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay wararka sheegaya in tobonaan kun oo qof oo rayid ah lagu dilay dagaallada ka dhacay gobolka Tigray.

Shaley ayay aheyd markii saddex xisbi oo mucaarad ah oo ka dhisan Tigray ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya iyo Eritrea in tacaddiyo baahsan ay ka geysteen gobolka isla markaana ay dileen 52,000 qof.

Dowladda Itoobiya ayaa warbixin ay soo saartay ku tilmaantay mid aan wax caddeyn ah loo heyn oo la siyaasadeeyay.

Waxay dowladda sidoo kale sheegtay inay ka xun tahay khasaare kasta oo soo gaaray shacabka balse uusan dagaalka ka dhalan khasaare ballaaran taasina ay ugu wacan tahay howlkarnimada ay muujiyeen militarigeeda.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in gobolka Tigray ay ka jirto xaalad aad u liidata oo haysata dadka ku nool halkaas.

Related posts

Itoobiya Oo Sharuud ku Xirtay Inay Suudaan kala Hadasho Muranka Xuduudeed Ee ka Dhexeeya.

Heemaall

Digniin Laga soo Saaray Xaalada Gobolka Tigray Ee Dalka Itoobiya

Heemaall

Golaha Amaanka Oo Maanta Ka Shiraya Xaalada Soomaliya Ee Cakiran

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More