Heemaal News Network

Dawlada Iyo Midowga Musharixiinta Oo Warar Isku Lid ah kasoo Saaray Dagaalkii Xalay.

Wasiirka amniga Xukuumada Somalia Xassan Xundubey Jimcaale ayaa War ka soo saaray dagaalkii caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay wasiirka ayuu ku sheegay in koox maleeshiyo ah ay caawa weerar ku soo qaadeen baraha ciidamada amaanku ku leeyihiin Muqdisho, la iskana difaacay.

“Maleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho, Sarkaal u hadlay Maleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay inay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo ka mid ah Muqdisho. Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa” ayuu yiri wasiirka.

“Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mar dhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida, Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey wasiirka.

Laakiin dhinaca kale hoggaanka Midowga Musharixiinta oo hadallo kala duwan jeediyay ayaa dhamaantood si isku mid ah dowladda ugu eedeeyay dowladda in ay weerarkaasi soo qaadeen ciidanka dowladda.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa yirii “Waxaan umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo kusoo duulay Hoteelka Maa’ida oo aniga madaxweyne hore Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan deganahay.

Wuxuu Shariif Sheekh Axmed ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu amray weerarkii xalay.

Sidaa si la mid ah waxaa weerarkan cambaareeyay daandaansi dagaalna ku tilmaamay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Shariif Xassan Sheekh Aadan, iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay dhankiisa warbaahinta ayaa sheegay in dibadbaxii ay ku baaqeen uu sidiisii yahay islamarkaana uu dhacayo saakay oo JImco ah, halka dhinaca kalana dowladdu mamnuucday Isku-imaatinka dadweyne.

Related posts

Imaaraadka Carabta Oo Xayiraad ku soo Rogay Dalal ay ka Mid Tahay Somaliya.

Heemaall

Q/Midoobay Oo ka Hadashay Xil loo Magacaabay Sarkaal ka Howlgalay Somaliya

Heemaall

Waxqabadkii Uu Balan-qaaday Mayirka Borama 2020kii Ee Fashilmay.(Daawo)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More