Dawlada Jabuuti Oo Xil sare U Magacawday Orodyahan Caan ka ah Ee Mo Farah.

Maxamed Faarah oo loo yaqaano (Mo Farah) ayey dowladda Jabuuti u magacowday Safiirkooda Maamulka Dekeddaha iyo aagga xorta ah (DPFZA).

Dowladda Jabuuti ayaa dib u qaabeyn ballaaran ku sameyneysa hanaankeeda ayaa marso taariikhi ah u rogtay degmo ganacsi, xafladii arintaas lagu maamuusayay ayey uga dhawaaqeen magacaabista Mo Farah.

Waxaan ku faraxsanahay inuu nagala soo qeyb galo Mo Farah xaflada lagu daah furayo dib u cusbooneysiinta Dekeda Jabuuti. DPFZA waxay ku faraxsan tahay in Sir Mo uu noqdo safiirkeenna, waxaana rajeyneynaa inaan iska kaashanno mashaariicda mustaqbalka” ayaa lagu soo qoray twitter-ka.

“Cilaaqaadka Jabuuti iyo Mudane Mo Faarax waa mid qoto dheer, waxaan ku faaneynaa in aan si wadajir ah uga shaqeyno si aan u soo bandhigno awoodaha aan la shaacin ee qaaradda Afrika” ayaa la raaciyay.

Ciyaariyahankan dunida rikoorada ka dhigay ayaa ku dhashay Gabiley oo ka tirsan dhulka Somaliland, waxaana la ogyahay iney Jabuuti kula tartanto dhanka dekeddaha, Somaliland iyo Somaliya.

Ismaaciil Cumar Geelle oo qudbad laga siiyay furitaanka munaasabadda ayaa sheegay iney dowladiisa bilowday hiigsigooda 2035, wuxuuna doonayaa in dalkiisa noqdo xarun udub dhexaad u ah ganacsiga dunida.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy