Heemaal News Network
somali

Dawlada Kenya Oo Barteeda Facebook ka Saartay Qoraalkii ka Wadahadalka Khilaafka Badda.

Dawlada Kenya ayaa wax ka badal ku samaysay qoraal lasoo dhigay barteeda Fecbook, kaasoo madaxwayne Uhuru Kenyatta ku dalbaday in laga wadahadlo khilaafka xuduudda badda.

Qoraalka oo Facebook la soo dhigay ayaa hadda laga saaray qeybtii ku saabsanayd muranka xuduudda badda, iyadoo qoraalkii hore uu ku jiray in Uhuru uu dalbanayo in si saaxiibtinimo ah xal looga gaaro khilaafka xuduudda badda ee labada dal u dhexeysa, kaas oo yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku qaabilay madaxtooyadiisa magaalada Mombasa.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Rooble uu adkeeyay in “muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.”
Halkan ka Akhriso Qoraalka cusub ee lagu badalay qoraalkii hore ee Facebook ay soo Dhigay Dawlada Kenya:
Halkan ka Akhriso Qoraalkii Hore

Related posts

Ciidamada Itoobiya Oo Qabsaday TPLF Magaalada Taariikhiga Ee Lalibela

Heemaall

Maxkamada Finland Oo Ansixisay Masaafurinta Muwaadin kasoo Jeeda Somali.

Heemaall

Qaramada Midoobay Oo Dambi Dagaal ku Eedesay Dhinacyada Isku Haya Itoobiya.

Heemaall