Heemaal News Network
Caalamka

Dawlada Masar Oo Ka Walaacsan Tirada Dadka Dalkeeda Oo 100 Milyan Oo Qof Gaadhay

Tirada dadka Masar ayaa gaadhay 100 milyan oo qof maanta oo Salaasa ah taariikhduna ay tahay 11kii bishii February ee sanadka 2020, sidaana waxa sheegay wakaaladda tirakoobka rasmiga ah ee Masar ee magaceeda loo soo gaabiyo CAPMAS.

Tirakoobkan lagu sugay tirada dadka Masar ee buuxisay 100-ka Milyan ee qof ayaa lagu qaaday qalabka dijitalka ah ee ay asticmaashu Wakaaladan CAPMAS ee xaraunteedu tahay bariga Caasimada Qaahira.

Natiijada Tirakoobkan ayaa ah mid culays wayn saaraysa dawladda oo u aragta korodhkan xawliga ah ee tirada dadka Masar uu khatar ku yihiin qorshayaasheeda dibuhabaynta dhaqaalaha ee ay dawladu doonayso inay ka hirgaliso dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee natiijadan la shaaciyay ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa waqti dalkaas Masar oo walaac ka haysto mustaqbalka isticmaalkii biyaha wabiga Niilka ee ay boqolkiiba sagaashan wax kabadan noloshoodu ku tiirsanayd oo mugdi ah, waxii ka dambeeyay markii Ethiopia ay dhisatay biyo xidheenka ugu wayn dunida, kaas oo yarayn doona qulqulkii biyaha ee ay dadka reer Masar heli jireen

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More