Heemaal News Network
somali

Dawlada Oo ka Warbixisay Kulankii Gollaha Wadatashiga Qaran Iyo Beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka siiyey Wakiilada Beesha Caalamka heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabsoomida doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.

Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo balan qaadeen sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimo ayaa aheegay in kulanka uu kusoo geba-gaboobay jawi wanaagsan, isla markaana la isla qaatay dardargalinta doorashooyinka iyada oo la raacaya hishiiskii Khamiista ee Shirkii Gollaha Wadatashiga Qaranka.

Related posts

Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Xil ka Qaaday Caaqil.

Heemaall

Boqorka Eswatani Oo Amray in la Toogto Dadka ku Banaan-baxay Lana Xiro Internet-ka.

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo Si Adag Uga Hadlay Askari Jidh Dil Ugaystay Haweenay Oroma Ah.

Heemaall