Heemaal News Network
somali

Dawlada Oo Shaacisay Liiska Xubnaha Guddiyada Doorashada Ee Cabashada Laga keenay.(Akhriso)

Guddiga Ra’iisal wasaaraha Somalia u saaray xalinta khilaafka Doorashada Guddiyada khilaafaadka ayaa shaaciyey tirada xubnaha cabashada laga keenay ee ay u soo gudbiyeen Midowga Musharaxiinta

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta DF ahna Afhayeenka guddiga Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in soo gaareen Xukuumadda soo gaareen 67 xubnood oo cabasho laga qabo kana kala tirsan Guddiyada Doorashada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta khilaafaadka.

Midowga Musharixiinta ayaa u gudbiyey Ra’iisal wasaaraha 61 xubnood oo ka tirsan Guddiga, kuwaasoo si sharci darro ah loogu daray, halka Guddoomiyaha Aqalka Sare uu gudbiyey 4 xubnood oo uu cabasho ka qabo, waxaa sidoo kale 2 xubnood gudbiyey Guddoonka Golaha shacabka.

Xubnaha cabashada laga keenay ayaa isugu jira shaqaale ka tirsan hay’adaha dowladda, ciidamada iyo taageerayaasha madaxweynihii xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Halkan ka Akhriso:

Related posts

Madaxweyne Farmaajo Oo la Kulmay Culimada Muqdisho.

Heemaall

Jadwalka Cusub Ee Doorashooyinka Labada Aqal Oo la Shaaciyay.(Akhriso)

Heemaall

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Oo Booqasho ku Tegay Imaaraadka.(Sawiro)

Heemaall