Heemaal News Network

Dawlada Pakistan Oo Ogolaatay In la Qaadaco Badeecadaha Ugu Yimaada Farance.

Taageerayaasha wadaadka mayalka adag ee Pakistan ee xiray waddooyinka gala caasimadda Pakistan ayaa ogolaaday inay waddooyinka furaan kaddib markii dowladda ay ballan qaaday inay qaadaci doonto badeecadaha uga yimaado dhinaca Faransiiska isla markaana ay dalka ka eryi doonto safiirka Faransiiska u fadhiya Pakistan, waa haddii baarlamaanka dalkaas ay ansixiyaan.

Dadkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay dibadbaxyo ka dhigayay halkaas, waxay ka careysnaayeen wargesyka laga leeyahay Faransiiska ee Charlie Hebdo kaas oo dib u daabacay sawir gacmeed laga sameeyay nebi Maxamed N.N.K.H.H.

Jahwareerkii baahsanaa ee haleelay dadka degan magaalada Islamabad, oo bilaabmay Axaddii, ayaa soo afjarmay – iyada oo wadooyinki dib loo furay adeegii teleefoonadada dib loo soo celiyey.

Goobjoogayaal badan ayaa shaki ka qaba in safiirka Faransiiska dhab ahaan la eryi doono – iyaga oo soo jeedinaya in heshiiskan uu noqonayo tallaabo asturid ah, dhanka kalena u oggolaaneyo dibadbaxayaasha inay dib u joogsadaan

Si kastaba ha noqotee, dadka wax naqdiya, ayaa sheegaya in dowladdu ay dhiirrigelinayso kooxda mayalka adag, ee loo yaqaan ‘TLP’ – oo laba mudaaharaad oo kale oo waaweyn ku qabtay aaggaAS sannadihii la soo dhaafay.

Tiro ka mid ah dalalka Muslimiinta ayaa arkay dibadbaxyo toddobaadyadii la soo dhaafay – oo ay ku muujinayaan caro ay Ka qabaan majaladda Faransiiska ah ee Charlie Hebdo, iyo Madaxweynayaasha Faransiiska oo ay ku eedaynayeen jees jees diimeed.
Xigasho BBC

Related posts

Ganacsatada jaadka Ee Kenya Oo Codsi U Diray Madaxweyne Farmaajo

Heemaall

Xeer ilaaliyaha Somaliya iyo Madaxda Puntland Oo Dhagax-dhigay Xarunta Garsoorka Puntland

Heemaall

Xisbiga Ucid Ee Awdal Oo soo Dhaweeyay Waqtiga Gaaban Ee loo Qorsheeyay Diwaan-galinta Codbixiyayaasha.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More