Heemaal News Network
Caalamka

Dawlada Rayidka Suudaan Oo Bulshadeeda Yahuuda ka Dalbatay Inay Dalka Dib Ugu soo Laabtaan.

Dawlada rayidka cusub ee Suudaan ayaa ku baaqday inay dalka dib ugu soo laabtaan bulshada tirada yare ee Yuhuudda, kuwaasoo tobannaan sano ka hor ka cararay waddankaasi.

Wasiirka cusub ee diinta iyo awqaafda dalka Suudaan ayaa buldhada Yahuuda ka dalbaday inay dalkooda kusoo laabtaan, waxa uuna tilmaamay in dalka laga xushmeeyn doona kala duwanaanshaha diimaha.

In badan bulshada Yuhuudda Suudaan ayaa dalka iskaga tagay dabayaaqadii qarnigii 19-aad iyo horaantii qarnigii 20-aad, laakiin bulsho yar oo Yuhuud ah ayaa waddankaas ku nooleyd xitaa waqtigaas kahor, waxayna inta badan dadkaasi Yahuuda ay dalka ka carareen, markii lagu bartilmaameedsaday qalalaase dhacay wixii ka dmabeeyay markii Israa’iil la aasaasay.

Sidoo kale Muddo ka badan tobannaan sano ayaa dowladda ka jirtay Suudaan lagu dhaliilayay inay takoor ku sameyso dadka aan Muslimiinta ahayd ee u dhashay dalkaas, iyadoo bulshada Yuhuudda Suudaan lagu qiyaasay waqtigaasi ilaa 1,000 ruux.

Sikastaba ha ahaatee xukuumadda rayidka ah ee hadda laga yagleelay Suudaan ayaa u muuqata inay wax badan ka badaleyso siyaasadihii dowladdii milatariga ee muddada dheer ka arriminayay dhulka Suudaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More