Dawlada Seychelles Oo Ka Baxday Heshiis U Ogolaanayay Hindiya Inay Saldhig Milatari Ku yeelato Jasiiradaas

Xukuumadda Seychelles ayaa sheegtay in uu jiro niyad jab ku aadan meel marinta heshiid  ay la gashay Hindiya  oo saldhig milatari ay dawlada Delhi kaga samaysanayso jasiiradaas, waxana ay dawladu ka baaqsatay in heshiiskan ay hor gayso baarlamaanta si looga doodo, iyada oo sii saadaalisay in baarlamaanku uu is hortaagi doono heshiiskan

Labada waddan ayaa ku heshiiyay bishii Janaayo in ay  Hindiya ay jasiiradaas ka dhisato saldhig, tan badalkeedana ay heshiisyo dhinaca hormarinta iyo maalgashiga ah ku badalato, balse heshiiskan ayaa waxa dhaleeceeyay mucaaridka, waxnaa uu la kulmay dibadbaxyo lagaga doo horjeedo.

Hindiya ayaa u muuqata inay doonayso inay ka hortagto joogitaanka sii kordhaysa ee Shiinaha ee Badweynta Hindiya.

Heshiiska hada hakad ku yimid, waxase lagu wadaa in  madaxweynaha Seychelles, Danny Faure, uu booqasho rasmi ah ku tago Hindiya, si loo soo nooleeyo heshiiskan

© Heemaal News Netwok