Heemaal News Network
somali

Dawlada Somaliya Oo ka Hadashay Xiisad Dagaal Oo ka Taagan Baledweyne.

Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisad dagaal oo ka taagan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle oo dhinac ah iyo ciidamada labaxay golaha Kacdoonka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa marka hore loogu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada Baledweyne iney tabashadooda ku sheegtaan si nabad ah oo aay ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara xasilooni darada.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa qoraalka kasoo baxay Xafiiskiisa ku sheegay iney socdaan dadaalo lagu doonaayo in si nabad lagu wadahadlo, islamarkaana Culimada, Duubabka dhaqanka, Ganacsatada ka dalbaday iney u istaagaan adkeynta xasiloonida magaalada Baledweyne oo lagu wado iney doorasho ka dhacdo.

Warkan kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili wali magaalada Baledweyne laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeysa Hirshabeelle iyo ciidamada la baxay golaha Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Jenaraal Abuukar Xuud.

Related posts

Xisbiga Waddani Oo soo Bandhigay $2 5 Milyan Dollar Oo la Musuq-maasuqay.

Heemaall

Lataliyihii Farmaajo Ee Dhawaan Laga soo Celiyay Kismaayo Oo Maanta ka Degay.

Heemaall

IGAD Oo soo Gaba-gabeysay Shir Looga Hadlayay Amniga Badda Cas

Heemaall