Heemaal News Network

Dawlada Somaliya Oo Mar kale ka Hadashay Madax-banaanida Ay Sheegato Taiwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mar kale ka hadlay mowqifka dowladda Federaalka ee ku aadan Madax-banaanida Taiwan ee bariga Qaaradda aasiya.

Wasiir Cawad oo wareysi siiyay Wakaladda Wararka Turkiga Anadolu News Agency ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo Madax banaanida ay sheegato Taiwan, isla markaana u aqoosan yihiin Jasiirad ka tirsan dalka Shiinaha.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xoojineyso xiriirka ay la leedahay dowladda Shiinaha, ayna muhiimad weyn u leedahay tallaabadaas.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cawad ayuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mar kasta diyaar u tahay inay fuliso heshiisyadii horey u dhexmaray dowladda iyo Shiinaha, kaasi oo ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Si kastaba dowladda Federaalka ayaa horey Taiwan ugu digtay inay ku xadgudubto Madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya, kadib markii Taiwan ay heshiis toos ah la gashay Somaliland, una aqoonsatay dal Madax banaan.

Related posts

Ergayga Somaliya Oo Warbixin Golaha Amaanka ka Siinaya Amaanka Iyo Muranka Doorashooyinka.

Heemaall

Puntland Oo Xaalad Degdeg ah Galisay Gobolka Bari.

Heemaall

Itoobiya Oo Sheegatay Inay Guulo kasoo Hoysay Dagaalka ay Kula Jirto Gobalka Tigray

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More