Heemaal News Network

Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Amniga Qaranka Lagu soo Duulay.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarradda Amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya Xassan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in wixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho lagu tilmaami karo duulaan lagu soo qaaday Amniga Qaranka.

Wasiirka ayaa sheegay in xitaa dadka dibadbaxa dhiggayay aysan soo marin ama ku war-galin bannaan-baxa hay’addaha nabad-galyada.

”Dadkii shalay Muqdisho ka dhax-dagaalamay ee wajiyada u xirnaa, waxba kama duwaneyn kuwa nabad-diidka ah ee dowladdu la dagaalameyso, waana qorshe ay soo abaabuleen dad gaar ah” ayuu yiri Wasiir Xundubeey.

Laakiin dhinaca kale marka la eego siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeyanaya dowladda in ay hub u adeegsatay dad si nabad-galyo ah ku cabirayay afgaartooda, inkastoo baraha bulshada laga arkayay rag hubeysan oo aan ka tirsaneyn ciidamada dowladda oo ka dhax-dagaalamayay magaalada gudaheeda.

Related posts

Siyaasiyiintii Caanka aka ahaaSomaliya Ee Covid 19 U Geeriyootay Sanadkan 2020.

Heemaall

Qoor-qoor Oo Guddi U Magacaabay Dilkii Saraakiisha Loogu Gaystay Galmudug.(Akhriso)

Heemaall

Madaxtooyada Somaliya Oo Siyaasiyiinta Mucaaradka Uga Digtay Arimaha Ciidamada.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More