Heemaal News Network

Dawlada Somaliya Oo Sheegtay in la Qabtay Lacag ka Timid Imaaraadka Iyo Raggii Waday.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan xuduuda u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag siday lacag ay sheegeen in laga keenay dalka Imaraadka Carabta.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa tirada dadka la qabtay ku sheegay inay ahaayeen laba nin iyo lacag ay wateen, inkastoo aysan sheegin tirada lacagta gacanta lagu dhigay.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Beled-Xaawo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lacagtaan la doonayay in lagu carqaladeeyo doorashooyinka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Cabdi ayaa sheegay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada ammaanka ee ka howlgala dhulka xuduuda ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan wax walba oo khal khal gelinaya amniga dalka.

Ma jiro illo madax banaan oo xaqiijinayo sheegashada saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta weli kama aysan hadlin sheegashada kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya iyo waxa ka jira lacagtaan la sheegay in gacanta lagu dhigay.

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in sheegashada ay qeyb ka tahay isku day shacabka lagu kicinayo, ayada oo laga faa’iideysanyo naceybka ay u hayaan Imaaraadka, taasi oo qeyb ka ah ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya sidaan oo kale sheegtay in bishii April ee sanadkii 2018-kii ay gacanta ku dhigtay lacag ay Dowladda Imaaraadka Carabta kasoo dajisay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo keentay inuu xumaado xiriirka labada dalka, waxayna Imaaraadka Carabta joojisay tababaradii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya, ayada sidoo kale xirtay Isbitaal si lacag la’aan ah dadka loogu daweyn jiray oo ku yaallay magaalada Muqdisho.

Related posts

Midowga Musharaxiinta Oo Warqad la Xiriirta Muranka Dorashada U Diray Beesha Caalamka

Heemaall

Sacuudiga Oo Iska Fogeeyey Dilka Saynisyahanka Reer Iran.

Heemaall

Somaliland Oo Xakun Dil toogasho ah ku Riday Nin Kufsi iyo Dil ka Geystay Saraar.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More