Sida ku cad warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya, waxaa la bixiyay dhul ballaaran oo ka mid ah Tiyaatarka Qaranka, kuna yaalla dhabarka dambe ee xarunta Tiyaatarka.
Dhulkan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato.
Warqada ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta, islamarkaana uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa lagu sheegay in dhulkaas la bixiyay islamarkaana laga sameyn doono maqaayad.
Warqada heshiiska kuma cada muddo cayiman, hase yeeshee waxaa ku qoran in dhulkaas lagu wareejiyay Shirkada Xaawo Taako iyo in laga furi doono maqaayad casri ah.
Xubno kamid bahda Fanka iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in kumanaan lacag ah lagu badashay dhulkaan, islamarkaana ay tani qeyb ka tahay dhul boob muddooyinkaan ka socda Muqdisho, oo kusoo beegmay xaaladda kala guurka dalka.
Inta badan dhul boobkan ayaa waxaa looga faa’iideynayaa shaqsiyaad siyaasad ahaan ku xiran madaxweyne Farmaajo ama ehel la ah, mana cadda inta uu le’eg yahay dhulka ay bixisay dowladda ee lacagta lagu qaatay.