Heemaal News Network
somali

Dawlada Sweden Oo Puntland Ka Taageeraysa Dhinaca Doorashada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Safaaradda Sweden ee Nairobi iyo Masuuliyiin ka tirsan mashruuca horumarinta Degmooyinka ee JPLG.

Shirka waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf.

Shirka ayaa looga wada hadlay dardargelinta mashruuca JPLG, qorshaha Puntland ee lagu ballaarinayo mashruuca iyo geeddi socodka dhammeystirka doorashada hal cod iyo hal qof ee degmooyinka Puntland.

Dowladda Sweden ayaa dhaqaale ku bixisa mashaariic kala duwan oo ka socda gudaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Related posts

Duqa Boosaaso Oo La Saftay Danni

Heemaal

Taliban Oo Gudaha U Galay Kaabul Iyo Dawlada Oo Xilka Ku Wareejinaysa.(Sawiro)

Heemaal

Safiirka Mareykanka Iyo Taliyaha AFRICOM Oo Balli-doogle Kula Kulmay Taliyaha Ciidanka

Heemaall