Heemaal News Network
somali

Dayaarad Kenya Laga Leeyahay Oo Ku Dhacday Gobolka Gaddo.(Sawiro)

Diyaarad siday rakaab oo ka soo kacday Nairobi ayaa ku dhacday garoonka diyaradaaha degmada Ceelwaaq, kadib markii la sheegay in diyaarada ay ku timid cilad.

Waxaa la sheegay in ay Diyaaradaan siday 45 qof oo ay kasoo qaaday Nairobi ayaa kusii jeeday degmada Elwak ee maamulka Mandera, sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Wararka ayaa intaa waxaa ay ku darayaan in diyaarada rakaabkii saarnaa ay waxyeelo soo gaarin islamarkaana ay badqabaan, iyadoo diyaarada ay ku dhacday garoon aan shaqeyn mudo sanado ah.

Wali kama aysan hadlin maamulka magaalada iyo kan degmada Gobolka gedo diyaaradaan rakaabka ahayd ee kusoo dhacday degmada Ceelwaaq.

Related posts

Beesha Caalamka Oo ka Xumaatay Hal Arin Oo ka Dhacday Doorashadii Somaliland.

Heemaall

Gudoomiyaha Badhan Ee Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabay Hadalkii Puntland kasoo Yeeray.

Heemaall

Midowga Yurub Oo Ka Hadlay Ciidanka Milateriga Ee ku Sugan Muqdisho.

Heemaall