Dayaarad Laga Leeyahay Kenya Oo Ku Burburtay Madaarka Muqdisho

Diyaarad nooca xamuulka qaadda, oo ku sii jeedday magaalada Beledweyne, lagana leeyahay dalka Kenya ayaa ku burburtay garoonka dayaaraha magaalada Muqdisho.

Ma jiraan khaaaare nafeed oo ka dhashay, waxaana laga soo badbaadiyay afar qof oo saarnaa, sida ay heemaall news u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan madaarka magaalada Muqdisho.

Waxay hadda taallaa meel aan aheyn dhabbaha diyaaradaha ay ka degaan.

Sii hayaha wasiirka gaadiidka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA u sheegay in loo gurmaday dadkii diyaaradda saarnaa, balse muu sheegin nooca ciladda farsamo ee diyaaradda heshay.

Soomaaliya waxaa aad igu kordhaya bishii dembe shilalka diyaaradaha dalka, kuwaas oo dhammaantood la sheegay in la baarayo, balse weli aan wax natiijo ah oo kama dambeys ah lagama soo saarin.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy