Dayuurado Dagaal Oo Caawa Duqeeyey Degaanada ay Maamulaan Al-shabaab Ee Gobolka Gedo.

Dayuurado dagaal oo aan la garaneynin cida iska leh ayaa caawa duqeymo culus ka fuliyey degaan ay gacanta ku heyso kooxda Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Gedo.

Masuuliyiin gobolkaas ka tirsan ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dhacday degaanka Dhiigtaar oo u dhow tuulo Barwaaqo.

Dadku dhow degaanka la duqeeyey ayaa sheegay iney maqleen guuxa dayuurado dagaal iyo madaafiic darandoori ah oo sida biriqda u dhacayey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeynta lal beegsaday saldhig ciidan oo Al-shabaab ay ku leeyihiin degaanka la duqeeyey.

Wax faahfaahin ah lagama hayo illaa hadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntan xili oo habeen ah iyo isgaarsiinta degaanadaas oo liidata awgeed.