Heemaal News Network
somali

Deegaano Badan Oo ay Maamulaan Alshabaab Oo Saaka Laga Ciiday.

Waxaa saakay magaalooyin iyo deegaano badan oo gacanta ugu jira dagaalyahanada kooxda Al Shabaab u tahay maalinta koobaad ee ciidul Fidriga ,kadib markii hogaanka Al Shabaab maanta shaaciyeen in ay ciid tahay.

Magaalooyinka Jilib, Bu’aale ,Ceelbuur iyo kuwa kale oo Al Shabaab gacanta ku hayaan ayaa saakay laga dukaday salaada ciida, waxaana fagaarayaal dadka ciidayay kula hadlay masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Al Shabaab.

Shacabka ku dhaqan magaalooyinka Al Shabaab maamulaan ayaa sidoo kale isugu soo baxay munaasabada ciida , waxa ayna dadkaasi iyo caruurtaba xirnaayeen dhar qurux badan oo ugu tala galeen munaasabada ciida.

Inta badan caalamka Islaamka iyo gudaha Soomaaliya ayaa maanta u tahay maalin soon ah oo ay dhameestirayaan 30-ka Ramadaan, Al Shabaab ayaana horey looga baran in si gooni ah u ciidan marka laga reebo sanadkan oo Soomaaliya kaligood ka ciidayaan.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo Oo Ubax Dhigay Taalada Halgamayaashii SYL.(Sawiro)

Heemaall

Taliska ciidamada Booliiska Baladweyne Oo Amaro Cusub soo Rogay.(Akhriso)

Heemaall

Madaxa Caafimaadka Awdal Hooyadii Oo si Wayn Loogu Aasay Borama Iyo Masuuliyiin ka Hadlay.

Heemaall