DEG DEG: Taliyihii Iyo Abaanduulihii Qeybt 12aad Ee Ciidamada Xoogga Dalka Oo Lagu Dilay Qarax.

Wararka goor dhowayd naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) lagu dilay qarax miino.

Qaraxa miino ayaa lala beegsaday Kolonyo uu la socday Taliyaha kaasoo ka dhacay agagaarka deegaanka Dhanaane ee koofurta Muqdisho,xilli uu Taliyaha iyo kolonyadiisa ay ka soo laabteen deegaanka Dhanaani oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sidoo kale ku geeriyooday Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo illaa 7 askari oo kale.

Jen Cumar Dheere ayaa dowladdii KMG aheyd wasiir Kuxigeen iyo Xildhibaan ka soo noqday, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka.

Meydka Taliyaha iyo abaanduulaha ayaa loo soo qaaday dhanka isbitaalka ciidamada milatarigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho.