Heemaal News Network
somali

Deni Oo Hadal Jeedintii Baarlamanka ku Mamnuucay Lacagtii laga Qaadi-jiray Dekada Boosaaso(Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Hadaljeedintiisa Dastuuriga ah wuxuu Madaxweynuhu Baarlamaanka la wadaagay waxqabadka Maamulkiisu ka sameeyay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda Puntland, arrimaha bulshada, Kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta degmooyinka iyo Doorka Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo Doorashada Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Baarlamaanka, Mudaneyaasha Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo iyo Marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland Siciid Candullaahi (Deni) ayaa sidoo kale joojiyey lacagihii shirkadda BNO ka qaadi jirtey dekedda Boosaaso, oo hoos tagga shirkadda DP World.

Hadalka Deni ayaa imanaya xili ay jiraan dad wali ka walaacsan in aan shaqo laga bilaabin dekedda, oo ay shirkadda DP World la wareegtay afar sano kahor

Shirkadan DP World ee laga leeyahay Emirate-ka, ayaa heshiisyo la gashey maamulada Somaliland iyo Puntland, taasoo ay isku maan dhaafeen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Related posts

Shacabka Caynaba Oo Cabasho Kamuujisay Koru-kac Ku Yimid Qiimaha Biyaha.

Heemaall

Milatariga Mali Oo Xidhay Madaxweynaha Iyo Raisal Wasaaraha Dalkaas

Heemaal

Mareykanka Oo ku Dhowaaqay Lacag Uu Siinayo Falastiin.

Heemaall