Deni Oo ku Laabtay Garoowe kuna Dhawaaqay Dagaal ka Dhan ah Alshabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta dib ugu laabtay Garoowe ayaa sheegay in Puntland ay ka hortegi doonto waxkasta oo keeni kara dhibaatooyin amni darro.

Deni ayaa sheegay in Shacabka ku nool degaannada puntland looga baahan yahay inay isku duubni muujiyaan, isla markaana Ciidamada ay howlgallo ka fulin doonaan meelaha ay Puntland kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

“Puntland waxaa diyaar u tahay inay sugato amnigeeda sidoo kalena ay ka qeyb qaadato dowlad dhisida Soomaaliya, waxaana codsan lahaa in laga wada qeyb qaato sugida Amniga degaannada Puntland lagana howlgallo meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

Hadalka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degaano ka tirsan Gobolka Bari ay mararka qaar weeraro iyo qaarxyo ay ka geystaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy