Heemaal News Network
somali

Deni Oo Maalin Ka Dib Ka Hadlay Qaraxii Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Xukuumadda Iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariisto Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday qaraxii argagixisnimo ee ka dhacay Boosaaso.

AHUN waxay ahaayeen labo Odey oo si weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta iyo horumarka, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkoodii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen. Dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi waxaan alle uga baryaya in uu u booga dhayo, aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Related posts

Xukuumada Dhexe Ee Itoobiya Oo Baaq U Dirtay Soomaalida Iyo Canfarta

Heemaal

Imaaraadka Oo Xayiraaddii Duulimaadyada ka Qaaday 12 Dal Oo Afrikaan ah

Heemaall

Madaxwaynaha Zambia Edgar Oo Istaaga ka Dhacay Waqti Uu ka Qayb-galay Munaasibad.

Heemaall