Heemaal News Network
somali

Deni Oo Wakiilo ka Socda Beesha Caalamka kala Hadlay Abaaraha Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador, James Swan oo ay weheliyaan Madaxa ugu sareeya ee hay’adda UNFPA Soomaaliya Niyi Obuolape iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland, Guy Griffin.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Abaaraha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaa si qoto-dheer loo dul-istaagey sidii Beesha Caalamku door muuqda uga qaadan lahayd ka jawaabidda xaaladda abaarta iyo u gargaaridda shacabka abaartu saamaysay, Amaanka, dardargelinta Dimuqraadiyeynta iyo mashaariicda horumarineed ee hay’addaha caalamiga ah ka wadaan Puntland.

Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kalanka Wasiirka qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland, waxaana kulanka lagu adkeeyay wadashaqeynta Puntland iyo Beesha Caalamka.

Related posts

Somaliya Oo Qaramada Midoobay Horgeysay Warbixin ku Saabsan Xaaladda Abaaraha Dalka

Heemaall

RW Rooble Iyo xubno kale Oo Banaanka Madaxtooyada ku Daawanaya Go’aanka Badda.(Sawiro)

Heemaall

Faysal Cali Waraabe Oo Si Ba’an U Weeraray Jabuuti Iyo Dawlada Deegaanka Itoobiya

Heemaall