Heemaal News Network
somali

Askarigii Dilay George Floyd Oo Rubuc Qarni Xabsi Ah Lagu Xukumay

Ninkii caddaanka ahaa ee horay uga tirsanaa boliska Mareykanka Derek Chauvin ayaa lagu xukumay 22 sannadood iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii ay ku cadaatay dambiyo la xiriira dilkii George Floyd ee bishii May ee sannnadkii hore.

Floyd ayaa geeriyooday ka dib markiii sarkaalkani uu jilibka kaga hayay luqunta muddo ka badan 9 daqiiqadood. Mar sii horreeysay Derek Chauvin ayaa qoyska Floyd uga tacsiyeeyay geerida wiilkooda.

Xeer Ilaaliyaha dacwada ayaa codsaday in lagu xukumo Chauvin xabsi soddon sano ah maadaama uu galay saddex dambi.

Dhinaca kale Bannaanka dhismaha ayaa waxay dadka kaga doodayeen in xukunka uu yahay mid u qalma iyo in kale, waxayna dadka qaar ku doodayeen in sannadada lagu xukumay Derek Chauvin ay yar yihiin halka qaarna ay yirahdeen muddada la xukumay iyo dambiga waa ay isu dhigmaan.

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble Oo Amar Dul-dhigay Golaha Wasiirada iyo Hay’addaha Dowlada.(Akhriso)

Heemaall

Taliska Booliska Somaliya Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyay.

Heemaall

Madaxda Maamul-goboleedyada Iyo Musharaxiinta Oo Kulan Deg-deg ah Uga Furmay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall