Heemaal News Network
somali

Dhacdo Naxdin Leh: Lamaane Geeriyooday Daqiiqado ka Dib Arooskooda.(Sawiro)

Sida uu qoray wargeyska New York Times Lamaane kasoo jeeda gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa geeriyooday daqiiqado ka dib markii ay dhacday xafladdii arooskooda.

Morgan oo ahaa 19 jir iyo Boudreaux oo ahayd 20 jir ayaa isjeclaa ilaa yaraantoodii waxayna geeriyoodeen ka dib markii uu gaarigii ay saarnaayeen ku dhacay gaari weyn oo xowli ku socday.

“Qoysku waxay socdeen lamaanaha gadaashooda. Dhamaantood waxay u socdeen meesha niyadooda ku jirtay, maadaama uu dhacay meherka lamaanaha” ayuu yiri Keith Longlois oo ah Sarkaal ka tirsan booliska ismaamulka Orange.

Wuxuu sarkaalkan sheegay in aroosadda cusub iyo seygeeda ay xiriir jacayl lahaayeen ilaa yaraantoodii, waxayna ugu dambeyn go’aan ku gaareen inay isku guursadaan xarunta caddaaladda ee ismaamulka Orange.

Ninka arooska ah ayuu sheegay inuu gaariga ka sii bixinayay albaabka goobtii uu arooska ka dhacay, uuna doonayay inuu galo waddo weyn oo aad u mashquul badan.

Gaari xamuul ah oo jiidayay rimoor, isla markaana waday baldoosar aad u culus ayaa ku dhacay gaarigii ay saarnaayeen lamaanaha ayuu yiri sarkaalka oo shilkaas ku tilmaamay mid naxdin iyo uurkutaalo leh.

Dad goob joogeyaal ahaa ayaa sheegay in gaariga arooska uu dhowr jeer rogmaday, ka hor inta uusan god ku dhicin.

Ma jirin astaan muujineysa in gaariga weyn uu khaladka lahaa, hase ahaatee, waxaa darawalka lagu sameyn doonaa baaritaanno la xiriira inuu maandooriye soo isticmaalay.

Related posts

Somaliya Oo Mar kale Diiday Qorshe AMISOM Lagu Beddelayo Howlgal QM Iyo Midowga Afrika

Heemaall

Shirkii Beesha Garxajis Kaga Dhawaaqday Hargaysa Oo Laga soo Horjeestay

Heemaall

Dowlada Shiinaha Oo Markab Dagaal Iyo Ciidamo Badan Usoo Dirtay Xeebaha Somaliya.

Heemaall