Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday dhacdo la yaab badan oo aad looga hadal haayo Magaaladaasi.
Dhacdadan la yaab noqotay ayaa ah gabar la sheegay in Ninkeedii ay cashada ugu soo dhex qarisay sakiimo, iyadoo dooneysay inuu ku waxyeeloobo marka uu cuni rabo, balse uu alle ka badbaadiyay kadib markuu cuntada ku dhex arkay sakiimaha loogu dhex qariyay.
Qaar kamid ah dadka degmada Matabaan ayaa xaqijjiyay dhacdadan la xiriirta gabarta Ninkeeda cuntada ugu dhex qarisay sakiimaha, waxaana gabadha arrintan sameyay ayaa magaceeda lagu soo koobay Xamdi, iyadoo la sheegay inay arrintan u sameysay maseyr dartii, islamarkaasina uu dhowr jeer oo hore uu seygeeda ka badbaaday isku day noocaan oo kale ah oo aay ku dooneysay iney ku qaarajiso.
Wiilka dhacdadan la yaabka leh ka badbaaday ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Baashi Guutaale.
Dhacdada noocan oo kale ah ayaa ah mid ku cusub guud ahaan deegaanada ay Soomaalidu degto, marka loo eego haweenka maseyrsan dhacdooyinka ay kula dhaqaaqaan ragga qaba.
Magaalooyinka Matabaan iyo Gurceel oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxaa dhowr jeer horay uga dhacay dhacdooyin kale oo ay ka mid yihiin ragga iyo dumar jecel dartiis sun u cabay.