Heemaal News Network
cayaaraha

Dhakhaatiir Loo Maxkamadaynaayo Dhimashadii Maradoona

Toddoba qof, oo dhammaantood ah xirfadlayaal caafimaad, ayaa lagu soo oogay in ay lug ku lahaayeen wax lagu sheegay dil dayaca ah oo uu u dhintay Diego Maradona, sida uu qoray wargayska ESPN.

Dacwad oogayaasha ayaa hada ka codsaday garsooraha in laga mamnuuco eedeysanayaasha in ay dhoofaan ama ka baxaan Argentina.

Diego Maradona wuxuu u dhintey Nofeembar 25, 2020 wadno xanuun isga oo ku sugan gurigiisa. Laba toddobaad ka hor, waxaa laga soo saaray cisbitaalka kadib markii qalliin looga sameeyay maskaxda.

Eedeysanayaasha waxaa ka mid ah dhaqtarka Leopoldo Luque oo sameeyay qalliinka maskaxda iyo dhakhtarka dhimirka ee Agustina Cosachov oo daaweeyay Maradona. Labaduba wey beeniyeen inay iyagu eed ku leeyihiin geerida xiddigii hore ee Napoli.

Dhakhaatiirtan ayaa sheegay in Maradona ahaa bukaan adag, waxaase lagu eedeeyey in ay goor hore ka saareen Isbitaalka.

Bishii Febraayo waxaa la daabacay cod maqal ah oo muujinaayay in dhakhaatiirtu ay ula hadleen Maradona si ixtiraam darro ah, balse baadhitaan lagu sameeyey maydkiisa ayaa muujinaayey in maradona isticmaalay dawooyin xad dhaaf ah, waxaase laga waayey wacx daroogo ah.

Related posts

Zinedine Zidane Ka hadlay Mustaqbalka Kylian, Messi, Iyo Ramos

Heemaal

Chelsea Oo Ku Guulaysatay Koobka Horyaalka Naadiyadda Yurub

Heemaal

Athletico Madrid Oo Ku Guulaysatay Koobka Spain Lalig

Heemaal