Heemaal News Network

Dhalinyaro ku Dhimatay Qaraxii Xalay Ee Muqdisho Oo Aas Wadareed loo Sameeyay.

Allaha ha unaxariistee waxaa isbitaalka xoogga dalka ka dhacay aaska siddeed dhalinyaro ah oo xalay ku dhintay Qarax Ismiidaamin oo lala beegsay maaqayad ama goob lagu nasto ee loo yaqaano Gelato Devino ee ku taalla ka soo horjeedka xarunta Sahal ee wadada garoonka Aadan cadde.

Aaska waxaa ka qayb-galay boqolaal dad shacab ah, qaar ka mid ah ehelada murxuumiinta, masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Weerarkaan xalay lala beegsaday goobtaan lagu nasto ayaa sidoo kale waxaa jiro dad kale oo dhaawacyo ka soo gaareen, iyadoo lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Muqdisho.

Related posts

Goobaha Cod Tirinta Ee USA Oo Ciidan Badan La Dhoobay

Heemaal

Guddiga Doorashooyinka Itoobiya Oo Shahaadada Xisbinimo kala Noqday 26 Xisbi Qaar kale-na U Digay.

Heemaall

Nooc Cusub Oo Covid 19 Oo Maanta Laga Helay Jarmalka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More